More

    Waa kuma madaxweynaha Arsenal Taageera ee London u tagay daawashada ciyaartii Champion-ka?

    Published on:



    , 2024-04-19 07:52:30 ,

    Getty ImagesQoraalka sawirka, Kooxda Arsenal19 Abriil 2024Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo jira 66 sanno dalka Rwandana hoggaaminaayay tan iyo 2000 ayaa dhaleeceyn balaadhan kala kulmay ka qayb galka kulankii Champions League ee u dhexeeyay Arsenal iyo Bayern Munich. Waxuu ugu safray dalka Ingiriiska si’uu uga qayb galo kulankii u dhexeeyay labadan kooxood ee ka ciyaara horyaalada qaaradda Yurub.Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay lugtii hore ee wareega 8da Champions League ee Arsenal ay la ciyaareen Bayern Munich usbuucii hore xilli dalkiisa Afrika ku yaalka uu ku jiray xilli baroor diiq ah oo lagu xusayay sanadguuradii 30-aad ee xasuuqii boqolka maalin ee loo gaystay dadka Tutsiga Yuu ee dalka Rwanda kaas oo dhacay sanadkii 1994tii. Getty ImagesQoraalka sawirka, Paul Kagame oo ku sugan garoonka kooxda kubadda cagta ee Arsenal lugtii hore ee ciyaarta Champion-kaKagame, oo hore u abuuray hadal hayn warbaahineed oo xoog leh dhaleecaymahiisa qaab ciyaareedka Arsenal ee gudaha garoomada ayaa sidoo kale kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Rishi Sunak Downing Street ka hor inta uusan u ambabixin Emirates isaga iyo booliis ilaalo u ah.Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aad u dhaleeceeyay go’aanka ka qaybgalkiisa ciyaarta ku aadan iyadoo wadanku ku jiro baroordiiqda. Sidoo kale Kagame ayaa ka qayb galay ciyaarta sababtoo ah dadka rayidka ah ayaa amar ku siiyay booliska qaranka Rwanda inay “xakameeyaan dhaqdhaqaaqyada” oo ay ku jiraan “ciyaaraha kubbadda cagta, tartamada isboortiga, ciyaaraha sharadka, riwaayadaha, tiyaatarada iyo muusikada aan la xidhiidhin xuska,iyo xaflado wadareedka kale ee dadku ku kulmaan”.Madaxweynaha dalka Uganda Paul Kagame ayaa bartiisi X soo dhigay kulankii ugu danbeeyay ee laga badiyay kooxda Arsenal ayna kaga hadhay horyaal tartanka Champions League in uu usii ahaan doono taageere joogto ah kooxda qoraal yar oo kooban oo uu soo dhigay bartii hore loogu aqoon jiray Twitter ee haatan ah X sidan. “Xiitaa markay tartanka ka hadhaaan, wali waa kooxdaydii – Arsenal. Hambalyo FC Bayern Munich”Ka bood Twitter bogganOggolow Twitter macluumaadkaMacluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.Aqbal horayna u socoDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanDhammaadka Twitter bogganDowladda Rwanda ayaa tan iyo markaas sheegtay in hanuunku uu taariikhaysan yahay kana soo horjeedo siyaasadooda. Laakiin Victoire Ingabire Umuhoza, oo ah hogaamiyaha mucaaradka Rwanda, ayaa faallo ay daabacday Guardian ku tidhi: “Waa wax la fahmi karo in dadka ku nool Rwanda iyo dibaddaba ay is waydiiyaan xaqiiqada ah in madaxwaynuhu uu daawashada ciyaar kubbadda cagta ah intii lagu jiray baroordiiqda dadkii ku dhintay xasuuqii ka dhanka ahaa Tutsiga.Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa markii ugu horreysay ka war helay booqashada shan maalmood ka hor ciyaarta, ilo-wareedyadu waxay sheegeen, halka Downing Street ay u arkaysay wax cajiib ah. “Waxa uu halkan u yimid si uu u arko kubbadda cagta, wuxuuna u yimid inuu arko ra’iisul wasaaraha si uu ugala hadlo arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan iskaashiga Rwanda oo ay ku jiraan duulimaadyada soo galootiga,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha dowladda Ingiriiska.Kagame ayaa mar labaad loo doortay madaxweynaha Rwanda sanadkii 2017, isagoo markii ugu horeysay xilka qabtay sanadkii 2000. Waxaa loo doortay inuu xilka sii hayo markiisii ​​toddobaad isagoo helay 98.8% codadkii la dhiibtay, sida uu sheegay Guddiga Doorashada Qaranka Rwanda. Human Rights Watch (HRW) ayaa sheegtay in doorashadu “ay ku dhacday xaalad aad u xaddidan oo ah xorriyadda hadalka ama goob siyaasadeed oo furan”.Tiro ka mid ah mucaaradka muhiimka ah ayaa la waayay, ama la dilay ama la afduubay, gudaha iyo dibadda dalka Rwanda. Ugu yaraan lix qof oo reer Rwanda ah oo ku nool UK ayaa la siiyay warqado ka socda laanta gaarka ah ee looga digayo inay la kulmi karaan xukun dil ah ka dib markii ay ka soo horjeesteen Kagame.Kooxda Arsenal ayaa heshiish kula jirta dalka Rwanda heshiiskaas oo ah in ay xayasiin u samayso u dalxiisidda dalka Rwanda kaas oo ay ku baxdo malaayiin lacagta doolarka, arrintaan ayaana dhaleecayn badan loogu jeediyay kooxda Arsenal iyo dowladda Rwandaba.


    Rwanda,Ciyaaraha

    Related