, 2025-05-20 19:30:21 ,
Article informationAuthor, Saleebaan SaxansaxoRole, Weriye 3 Saacadood ka horCiyaaryahanka caanka ah ee u safan jiray xulka Nigeria iyo Kooxda Arsenal Nwankwo Kanu oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku joogay Magaalada Hargeysa, ayaa balanqaadyo kala duwan u sameeyey ciyaartoy da’ yar oo ka mid ah kooxaha akadeemiyadaha Hargeysa, isagoo oo shalay ka qayb galay daawashada ciyaar kooxahaas da’yarta ah ay ku ciyaareen Hargeysa Stadium.49 jirkan labada jeer ku guuleystay Xidigga Qaarada Afrika iyo koobka olombikada ee 1996 oo Hargeysa u yimid ka qayb galka xuska 18-ka May ee maalintii Somaliland ku dhawaaqday gooni isu taageeda, iyo kulamo uu la yeesho bahda ciyaaraha, ayaa da’ yarta ciyaaraha ee Hargeysa ee uu la kulmay uga warramay duruufihii iyo caqabadihii kala duwanaa ee uu soo maray muddadii uu ku jiray ciyaaraha ee heer kooxeed ilaa heer qaran.Xukuumadda Somaliland oo Ciyaaryahankan ruugcaddaaga ah soo casuuntay ayaa sheegtay in ay ka rajeynayso inuu u fududayn karo xidhiidho kala duwan oo ay Somaliland la samayso xidhiidho caalami ah, maadaama aanay aqoonsi haysan.Socdaalka Kanu ee HargeysaWeeryahankii hore ee Kooxaha Arsenal, Ajax, Inter Milan iyo West Bromwich ayaa maalintii sabtidii ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo masuuliyiin kala duwan ay ku soo dhaweeyeen.Sida uu BBC-da u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), socdaalka Kanu waxa uu ka dambeeyey martiqaad uu u diray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo hore ay Ciyaaryahanka ay saaxiib u ahaayeen, London-na ay hore ugu kulmeen sannadkii 2017-kii. “Ujeeddada socdaalka Kanu, waxa uu ahaa inuu ka qayb galo xuska 18-ka May iyo in aanu kulamo la yeelano oo uu noo furo xidhiidho caalami ah iyo kuwa Afrika ah oo dhinaca ciyaaraha ah, annaga oo ka faa’iidaysanayna magaca uu ku leeyahay adduunka iyo Afrikaba” ayuu yidhi Yuusuf Tadhase.Yuusuf Tadhase, waxa uu xusay in muddada uu joogo uga warami doonaan duruufaha dhinaca ciyaaraha ee Somaliland, si baahiyaha haysta uu wax ugala qabto.Muxuu ka yidhi Kanu safarkiisa HargeysaNwankwo Kanu, waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu booqasho ku yimaado Somaliland, kulamana la yeesho bahda ciyaaraha Somaliland.Kanu, waxa uu shalay gelinkii dambe booqday Garoonka Ciyaaraha ee Hargeysa Stadium oo ah Garoonka kubadda cagta ee u weyn Somaliland, waxa uu halkaas kula kulmay dhalinyarro da’yar ah oo ka mid ah afar akadamiyadood oo ka dhisan Hargeysa.Kanu waxa uu dhalinyaradan ciyaartoyda ah uga warramay marxaladihii uu soo maray yaraantiisii iyo duruufihii adkaa ee soo foodsaaray, waxaanu yidhi “Waxa ahay ciyaaryahan afrikaan ah, waxa aan ka imid Nigeria, waxaan ahaa wiil yar oo ku ciyaara jidadka Nigeria oo idinka oo kale ah, ma haysan kabo lagu ciyaaro, waan dhuubnaa qaar baa igu yidhi inta aanad ciyaarin kubad wax soo cun. Ninkaygii sidaas lagu lahaa maanta waxa aan ahay nin caan ka ah adduunka, dad masaakiin ah ayaan guryo u dhisay, sideed boqol oo caruur a ayaan wadnaha ka qalay oo isbitaallo u dhisay “.Nwankwo Kanu, waxa uu ka hadlay sababta uu u tegay garoonka Hargeysa Stadium, halkaas oo uu ku daawaday ciyaar ka socotay “Waxa aan halkan u joogaa in aan arko sida aad u ciyaaraysaan, waxa aan ka dooran doonaa ciyaarahan marka aan daawado 18 Ciyaaryahan ee ugu fiican, waxaan siinaynaa dhar iyo kabo ay ku cayaaraan. Marka aad tababar samaynaysaan macalimiinta ayaa wax kasta ii soo sheegi doona, 18ka Ciyaaryahan, labada ama saddexda kuwa ugu fiican, ee ugu akhlaaqda wanaagsan, ugu dedaalka badan, horumar ayaan gaadhsiinayaa, waana tababarayaa. Haddii aad doonayso in aad kubbad ciyaarto, waa in ka go’aansho jirtaa, oo aad naf hurnimo samaysaa, haddii aanad intaas samaynayn wakhti ha iskaga lumin ciyaarista kubadda cagta” ayuu yidhi Kanu.Imaanshaha Kanu muxuu ka beddeli karaa duruufaha haysta ciyaaraha SomalilandDuruufo kala duwan oo dhinaca ciyaaraha ah ayaa Somaliland ka jiray muddooyinkii u dambeeyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhinaca garoomada, tababarka garsoorayaasha iyo dhinaca kaabayaasha aasaasiga ah ee ciyaaraha.Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Nuux Yuusuf, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in booqashada Hargeysa ee ciyaaryahankan reer Nayjeriya ay ka filayaan inuu ka caawiyo horumarinta ciyaaraha iyo in ay xidhiidh dibedda ah sameeyaan “Waxa jira baahi badan oo dhinaca ciyaaraha ah oo ka jirta Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoomada, ciyaaryahannada haddii ay tahay oo tababarro loo qaado dalalka Afrika si ay uga soo ciyaaraan, sidii akadamiyadaha kale ee Afrika aan xidhiidh ula samayn lahayn ayuu naga caawin karaa Kanu maadaama uu yahay ciyaartoy caalami ah, oo xidhiidho kala duwan leh”.Waxa uu intaas ku Wasiir kuxigeenka Ciyaaruhu in Imaanshaha Hargeysa ee Kanu uga dhigan yahay in nabadda ka jirta Somaliland ay ku soo dhiiradaan ciyaartoy kale oo magac leh, kuwaas oo ka caawin kara dhinaca horumarinta ciyaaraha, maadaama aanay Somaliland haysan aqoonsi caalami ah oo u fududaynaya xidhiidho ay la sameeyeen xidhiidhada kale ee adduunka “Booqashan Kanu waxa ay nooga dhigan tahay in ay muujinayso nabad gelyada ka jirta Somaliland iyo in ay noo soo jiiddo Ciyaartoy kale oo caalami ah in ay noo yimaadaan iyo weliba maal gashadayaal. Imika waxa jira xidhiidho kale oo aanu wadno si aan u keenno ciyaartoy kale oo caalami ah” ayuu sii raaciyey.Muxuu ka dhigan yahay ballanqaadka uu Kanu sameeyeyNwankwo kanu, waxa uu balanqaad u sameeyey siddeed iyo toban ciyaartoy da’ yar ah oo uu daawaday ciyaar saaxiibtinimo oo ay ku yeesheen garoonka Hargeysa, kuwaas ka tirsan akadamiyadaha afar kooxood oo ka dhisan Magaalada Hargeysa, isagoo u ballanqaaday inuu siin doono dhar iyo kabo.Kanu, waxa uu intaas ku daray in uu laba ka mid ah cayaartoydaas da’da yar uu si gaar ah uga sii xulan doonto sideed iyo tobanka ciyaaryahan oo uu tababar uu siin doono “Siddeed iyo tobankan waxa aan ka sii dooran doonaa labada ugu sii fiican, ee ugu akhlaaqda wanaagsan, ugu dadaalka badan, horumar ayaan gaadhsiinayaa, waana tababarayaa.” ayuu yidhi Nwankwo kanu.Dareenka cayaartoydaAbshir Dayib, oo u ciyaara kooxda da’ yarta ah oo lagu magacaabo Roma oo ka mid ahaa laba ciyaartoy oo soo bandhigay ciyaar wanaag, isla markaana uu Kanu u balan qaaday fursado ay ka mid yihiin tababar iyo qalab ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in ciyaartoy hore oo kubadda cagta ka gaadhay heer caalami uu balanqaad u sameeyo “Farxad ayey ii tahay in Kanu na daawado, oo uu balanqaad noo sameeyo, waxaan u malaynayaa inuu ciyaartayda arkay, oo ay sidaas iigu yeedheen. Arrintan maaha mid hore uga dhacday hore Somaliland”.Abshir oo weerarka ka ciyaara, isla markaana lambarka 7-aad u qaata kooxdan da’ yarta ah ee Roma ayaa intaas ku daray in uu ka filayo Kanu wax mustaqbalkiisa ciyaareed ka caawiya. Getty ImagesQoraalka sawirka, Sawirkan waa 2004, Arsenal iyo Kanu oo ku dabaaldegaya garoonkii Highbury, markaasoo ay qaadeen koobkii 13aad ee horyaalka Premier LeagueMuxuu uga dhigan yahay Ciyaaraha Somaliland booqashada Kanu ee Hargeysa?Caadil Good Hurre, oo ah Guddoomiye kuxigeenka Xidhiidhka Kubadda cagta ee Somaliland oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wax badan ka caawin karo Kanu oo uu u fududayn karo in ay xidhiidhada dhigooda ah ee Nigeria iyo dalalka kale iskaashi la yeeshaan.”Waxay nooga dhigan tahay inuu wax weyn, marka hore inuu barto Somaliland, in uu caalamka magaca Somaliland gaadhsiiyo. Waxa kale oo ay nooga dhigan tahay in dhiiri gelin ay u noqonayso dhallinyarada ciyaaraha ku jirta inuu soo booqdo oo uu la kulmo ciyaaryahan caan ah, dhiiri gelinna u sameeyo” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Xidhiidhka kubadda Cagta ee Somaliland.Nwankwo Kanu ayaa ahaa ah Ciyaaryahan weerarka uga ciyaara xulka dalka Nigeria, waxa uu sidoo kale u soo ciyaaray kooxo ka tirsan Qaarada Yurub oo ay ka mid yihiin Ajax oo uu kula guulaystay UEFA Champions League sanadkii 1995, halka uu Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ee Arsenal uu kula guulaystay Horyaalka Premier League.Waxa kale oo uu xidigan uu u soo ciyaaray Kooxaha West Bromwich, Portsmouth iyo Kooxo kale oo Inter Milan ay ka mid tahay.Laba Jeer ayaa loo caleemo saaray ciyaaryahankii kubadda cagta ee ugu wanaagsanaa Qaarada Afrika.
Soomaaliland,Ciyaaraha
Socdaalka uu laacibkii hore ee Arsenal ku tegey Hargeysa muxuu ka beddeli karaa duruufaha kubadda cagta Somaliland
Published on: