More

    Shan is arag oo muhiim ahaa oo go’aamin karay cidda ku guulaysan doonta billada

    Published on:



    , 2024-07-13 13:57:04 ,

    Getty Images13 Luulyo 2024Ingiriisku wuxuu baadi goob ugu jiraa in uu taariikh wayn dhigo maalinka Axadda ah – marka ay dhacayso ciyaarta kama dambaysta ee koobka Yurub. BBC Sports ayaa waxay eegeysaa shan is arag oo aad u muhiim u ahaa kuwaas oo go’aamin karay cidda ku guulaysan doonta billada.Rodri v Foden & BellinghamGareth Southgate waxa uu u horseeday naadigiisa in ay gaaraan koobka Qaramada Yurub markii labaad.Spain waxay jarmalka ku soo bandhigeen ciyaaro xiiso leh, halka Egnlnad ay la timid dhiirannaan iyo go’aan sidaasina ay ku gaareen ciyaarta u dambeysa.Hadaba maxay yihiin shanta qodob ee ugu muhiimsan kuwaas oo go’aamin kara cidda koobka qaadeysa.Khadka dhexe aad ayuu muhiim u yahay, waxaana ku jira xidigo badan. Southgate waxaa u suuragashay in uu helo xidigga horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedkan Phil Foden iyo kan La Liga Jude Bellingham in ay ka dheelaan weerarka khadka dhexe. Labada waxay awood u leeyihiin in ay Spain dhaawacaan.Foden si wanaagsan ayuu u dheelay ciyaartii Netherlands balse nasiib uma helin in uu dhaliyo gool halka Bellingham uu daqiiqadihii u dambeeyay dhaliyay goolka guusha.Labada ciyaartoy waxay ka hortagayaan xidiga Khadka dhexe ee Manchester City kaas oo hal mar oo kaliya laga badiyay 79-kii ciyaar ee naadi iyo dal.Foden si fiican ayuu u ogyahay kartida Rodri maadama ay labadooda ka tirsan yihiin City. Taasi faa’ido ayey u tahay Southgate marka uu ka shaqeynayo sidii lagu maareyn lahaa.Rodri oo 28 jir ah waxa uu dhasahay maalintii England ay Spain ka reebtay ciyaarihii Yurub 1996-dii. Waa matoorka naadiga Spain, waxa uuna abuuray fursado badan.Yamal v Shaw Getty ImagesKa hor ciyaarahan, waxaa jiray xidigo la saadaalinayay in ay noqonayaan safka hore ee Barcelona. 16 jirkan Lamine Yamal ayaa ka mid ahaa.Ka hor ciyaarta ugu dambeysa ayuu noqday 17 jir. Wuxuuna noqoday ciyaartoygii ugu da’ada yaraa ee ku bilowda horyaalka Yurub. Wuxuuna ka dheelay ciyaartii Spain iyo Croatia.Goolkiisa semi-finalka ayaa ka dhigay gool dhaliyihii ugu da’ada yaraa ciyaaraha Yurub ama koobka adduunka. Wuxuu jabiyay rokoorkii Pele.Kieran Trippier ayaa loo arkayay in uu ka dheelo difaaca bidixda balse dhaawaciisa ayaa shaki laga muujiyay kaddib markii lagu beddelay Luke Shaw.Southgate waxa uu xaqjiiyay in ay aheyd taxadar. Show waa uu ku soo galay ciyaaraha firfircooni, uma ekeyn qof afar bilood dhaawac ku maqnaa. Ciyaarta final-ka waa halkii uu ku muujin lahaa in uu xidig yahayCucurella v Saka Getty ImagesMarc Cucurella iyo Bukayo Saka labada waxa uu Euro 2024 u ahaa mid ay kaga soo kabteen caqabadihii iyo dib u dhacyadii soo maray.Lix bilood ka hor, taageerayaasha Chelsea ayaa ku oriyay Cucurella kaddib markii ay ka waayeen ciyaartii ay ka doonayeen. 2022-kii ayaa Brigthon looga soo iibiyay £63 milyan. 25 jirkan ayaa Chelsea ka caawiyay in ay Yurub booska hesho. Sidoo kale waxa uu xidig ka noqoday shan kulan ay Spain dheeshay.Ciyaartoyga Saka markii uu dhalin-waayay rigooradii Euro 2020-kii waxa uu la kulmay cunsuriyeen. Sanadkan waxa uu soo bandhigay kartidiisa iyo adkeysiga uu leeyahay. 22 jirkan ayaa ahaa khatar joogto ah.Olmo v Rice Getty ImagesDeclan Rice waxa uu dheelay dhammaan ciyaarihii ay Ingiriiska dheeleen sanadkan, waxa uu orday 74.91km oo ka badan ciyaartoyda kale. Ciyaartoygan khadka dhexe uga dheela Arsenal waxa uu kubbadda taabtay 300 oo jeer, waxa uuna dhiibay 236 kubbad iyadoo cadaadis haysto. Toddobo jeer ayuu dhigay kubbad gool noqotay.Rice waxa uu doonayaa in uu xakameeyo ciyaartoyga RB Leipzig, Dani Olmo kaas oo dhaliyay saddxe gool.Williams v Walker Getty ImagesQaabka xiisaha leh ee ciyaaraha Spain waxaa lagu ammaanaa xiddigaha Yaml iyo Williams. Williams waa 21 jir ka yimid Athletic Bilbao. Ciyaaro xiiso leh ayuu soo bandhigay isaga iyo Yamal saaxiibo isu dhow ayey ahaayeen. Labada dhalashooyinkooda waxay u dabaaldegeen ka hor finalka.Maamulaha England Southgate waxa uu ku tiirsan yahay difaaciisa Kyel Walker si u u joojiyo in ay Spain u dabaaldegto guusha. Walker 13 ano ayuu ka weyn yahay Williams, waana mid ka mid yahay difaacyada aan badneyn ee joojin kara ciyaartoyda sida Kylian Mbappe iyo Vinicius Jr. Manchster City ayuu ka yimid.


    Yurub,Ciyaaraha,Spain

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here