More

    Sababta ay Arsenal ugu diyaar tahay hanashada horyaalka iyadoo cadaadiska saaran Arteta uu kordhayo?

    Published on:



    , 2025-08-17 15:31:52 ,

    Getty Images4 Saacadood ka horXilli ciyaareedkan ayaa noqonaya kii ugu muhiimsanaa muddadii shan sano iyo bar ahayd ee Mikel Arteta uu laylinayey Arsenal.Kooxdu waxay si weyn u cusbooneysiisay kooxdeeda, iyagoo ku bixiyay £190 milyan saxiixyo cusub, si ay ugu guuleystaan horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo 21 sano ah.Arsenal waxay kaalinta labaad soo gashay saddex xilli ciyaareed oo isku xigta, balse xagaagan waxay qaaday tallaabo weyn si ay u joojiyaan ka bixida abaarta horyaalka la’aanta ah.Gunners-ka waxay xoojiyeen laf-dhabarta kooxdooda iyagoo keenay laba ciyaaryahan oo muhiim ah, kuwaas oo kala khadka dhexe ee Martin Zubimendi iyo gool dhaliye Viktor Gyökeres.Halkan, BBC Sport waxay eegaysaa sababta Arsenal – oo bilaabaysa xilli ciyaareedkeeda maanta oo axadda markay la ciyaarayso Manchester United ay u aaminsan tahay inay hadda diyaar u yihiin hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan.Sidee ayay Arsenal isku xoojisay xagaagan? Getty ImagesKahor kulankii ugu horreeyay ee xagaaga ee lagu ciyaaray Singapore, Arteta ayaa sheegay inuu “arkayo isku dheelitirnaan sax ah” isla markaana “dhammaan waxyaabihii loo baahnaa ay meesha yaallaan” si Arsenal ay ugu guuleysato xilli ciyaareedkan.Ku soo biirista lix ciyaaryahan oo cusub iyo suurtagalnimada mid kale ayaa taageerayaasha siisay rajo cusub, balse sidoo kale sare u qaaday filashada.Ciyaartooyda cusub ee lagu soo kordhiyay kooxda ayaa si weyn u taageeray Arteta, iyadoo uu helayo fursado kala duwan oo uu isku bedbeddelasho ciyaartoy ah, si uu u jebiyo difaacyada adag ee ay la kulmaan.Declan Rice wuxuu u muuqdaa in si rasmi ah loogu wareejiyay doorkii dhexe ee weerarka — maadamaa uu xilli ciyaareedkii hore si aad ah ugu fiicnaa — taas oo suurtagal noqotay kadib markii ciyaaryahanka Zubimendi oo khadka dhexe ah uu kaga yimid kooxda Real Sociedad.Kooxda Arteta ayaa ahayd tan ugu difaacashada fiicnayd xilli ciyaareedkii hore horyaalka Ingriiska taas ka dhigtay in laga dhaliyo goolal yar marka loo eego kooxaha kale”Arsenal waxay ahayd kooxda horyaalka Premier League, ugu difaacasho fiicnayd waayo waxaa laga dhaliyey 34 gool, taas ayaana ku tusaysa in difaacashadeedu sarreysay, marka waxaan is leeyahay macallin Areteta dhankaas wax dhiba kama haysan sababtoo ah Saliba iyo Gabriel Magalhães, waxay muujiyeen difaacasho aad u adag marka loo eego kooxaha kale ee horyaalka” ayuu yiri khabiir maxamed Axmed Deysane oo arrimaha ciyaaraha ka faallooda.Sida ay qabaan dadka ka faallooda ciyaaraha, Arsenal, waxay la dhutiyeysan dhaliye la’aan taas oo ka dhigtay kooxda macallin Arteta inaysan hanan horyaalka, inkastoo hadda kooxda Sporting ee dalka Portugal ay kala soo wareegeen gool dhaliyaha reer Sweden Gyokeres, maxaa la filan karaa hadda?”Waxaan qabaa in hadda haddii kooxdu keensatay Gyokeres, oo kooxdiisu hore Sporting u soo dhaliyey 97 gool boqol 102 kulan uu u ciyaaray, tani waxay keeni kartaa isabddel kooxda Arsenal maadaama aysan horey u haysan gool dhaliye la mida Gyokeres.” ayuu yiri DeysaneMacalli Arteta oo mar sii horreysay ka hadlayey gool dhaliyihiisa cusub ayaa sheegay: “Haddii aad u banayso Gyokeres meel uu kaligiis kaga hor tago daafaca, wuu kuu burburinayaa.””Wuxuu noo abuuri doonaa fursado badan sidoo kale, waana waqtigaas meesha ay ka muuqanayso in, xaalad kasta oo ay noqotaba, uu jiro ciyaaryahan awood u leh inuu dhaliyo gool.”Dhanka kale taageerayaasha kooxda qaar badan oo ka mid ah iyo khabiirada falanqeeyaha ciyaaraha ayaa qabay in Arsenal xilli ciyaareedyadii hore ay la kulantay dhaawacyo soo gaaray kooxdeeda kow iyo tobanka hore ee safkeeda kowaad aysana haysan baddel wanaagsan basle hadda macallin Artena ayaa wax ka baddelay dhibaatadaas.”Hadda waxay keeneen lix ciyaaryahan oo ka caawin karta inay helaan beddel haddii ciyaarahana safke ee kooxda dhaawac soo gaaro, taas oo ahayd waxa dib u dhigaysay Arsenal xilli ciyaareedyadii hore, marka eegto haddii Saka oo kale ama khadka dhexe dhaawacmo baddel wanaagsan oo tayo leh ma jirin hadda taas waa buuxiyeen “ayuu intaas raaciyey. Deysane.Maxaa dhacaya hadday guulaysan waayaan?Naxdin kuma noqon doonto Arteta in taageerayaashu ay koobab ka filayaan Emirates Stadium xilli ciyaareedkan.Intii lagu jiray kulamadii go’aaminta ahaa xilli ciyaareedkii hore, si cad ayaa looga dareemi karay taageerayaasha garoonka inay aad ugu baahnaayeen guul iyo guulo muuqda.Tababaraha Arsenal waxa uu la kulmay dhaleeceyn badan, iyadoo dad badan ay shaki geliyeen awoodiisa uu ugu guuleysan karo koobab, maadaama uu kaliya ku guuleystay FA Cup – taas oo ahayd xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee uu ahaa tababare.Xitaa waxaa la arkay fariimo ah “Arteta baxt” oo lagu buufiyay derbiyada agagaarka garoonka kadib markii la saxiixday Noni Madueke – taasoo muujinaysa in qaar ka mid ah taageerayaasha aysan laheyn dulqaadka taageerayaasha kale ee garoonka joogay.Si kastaba ha ahaatee, Arteta waxa uu isagu dhistay koox tayo leh, oo leh ciyaartooy da’doodu sax tahay, kuwaas oo diyaar u ah inay qaadaan tallaabada xigta – laakiin cadaadis gudaha ah ayaa imaan kara haddii Arsenal aysan natiijooyinka laga filayay keeni karin kadib kharashka weyn ee ay galeen xagaagan.Waa maxay waxa ay Arsenal u baahan tahay inay si ka duwan u sameyso si ay u guuleysato?38-kulan ee horyaalka xilli-ciyaareedkii hore, Liverpool waxay sameysay in ka badan 100 laad oo ka badan Arsenal, waxayna dhalisay 17 gool oo dheeraad ah.Toddobo ka mid ah goolashaasi waxay ahaayeen rigoorayaal, balse weli waxaa jira farqi ah 95 laad oo aan rigooro ahayn—taasoo ka dhigan celcelis ahaan 2.5 laad oo dheeraad ah kulan kasta.Haddii Arsenal ay samayn lahaayene tiradaas laadka ee aan rigoorada ahayn sida ay Liverpool u sameysay, markaas waxay dhalin lahaayeen 12 gool oo dheeraad ah. Tani waxay muujineysaa in dhibka ugu weyn ee Arsenal xilli-ciyaareedkii hore uu ahaa in aanad dhalin karin fursadaha ay abuureen.Arsenal waxaa si weyn u saameeyay dhaawacyo ku dhacay ciyaartoy muhiim ah, taasoo ka dhigtay inay waayaan qaybaha muhiimka ah ee weerarkooda.Tani waxay sababtay in ciyaaro badan ay kooxaha ka soo horjeeda si fiican uga difaacdaan Arsenal, iyaga oo si qoto dheer u difaacanaya.


    Kubadda cagta,Ciyaaraha

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here