, 2025-08-22 09:20:05 ,
Getty ImagesArticle InformationAuthor, Tesfalem Araia & Teklemariam BekitRole, Weriyeyaal, BBC Tigrinya5 Saacadood ka horCayaartoyga Alexander Isak kaalin muhiim ah ayuu ku leeyahay guulaha kooxda Newcastle United, tan iyo markii uu ku soo biiray kooxdaas uu macallinka u yahay Eddie Howe.Laakinse saamayntiisa intaas way ka shisheysaa.Dadka qurba joogga ah ee ka soo jeeda Eritereeya, aad ayey ugu faraxsan yihiin ninkan dhallinyarada ah ee xididdada ku leh dalkooda, misna u cayaara mid ka mid ah naadiyada ugu weyn Ingiriiska.Meelaha lagu nasto, goobaha jimicsiga iyo guud ahaan meelaha ay dadku ku kulmaan ee waqooyiga bari England, isbeddel tartiib ah ayaa ka socda.Dhallinyaro Eritereeyan ah oo ku dayanaya guulaha weeraryahankaas ayaa kabaha u gashaday rajo cusub.”Waan jeclahay kubadda cagta, waana Alexander dartiis” ayuu yiri wiil 13 jir Eritereeyan ah oo la hadlayey laanta Tigreega ee BBC.”In aan daawado isagoo cayaaraya farxad weyn ayey i siisaa. Isagu waa sidaydoo kale”.Isbeddel tartiib ah ayaa soconaya ayadoo dhallintarada Eritereeyanka ah ay dhiirrigeliyeen sheekooyinka weeraryahankaas.Yakob Akale waa aabbe dhalay 3 carruurah, wuxuuna ka hadlayaa sida mid ka mid ah wiilashiisa uu u soo jiitay weeraryahankaas oo sidoo kale matala dalka Sweden balse ay waalidkiis yihiin Eritereeyan.Isak, oo dhaliyay 62 gool 109 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu ku soo biiray Newcastle August 2022, ayaa laga yaabaa inuu horay u ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee uu gashan yahay funaanadda Magpies.Xogtan ayaa dareeno kala duwan ka dhex dhalisay taageerayaasha.25-sano jirkaan ayey diirada u saarnayd Liverpool, taasoo dalab ka gudbisay horaantii bishaan, ayadoo Isak tababar la qaadanayey kooxda.Tababare Eddie Howe ayaa qirtay in “wax hubaal ah aysan jirin,” iyadoo ay jiraan warar soo sheegaya in Isak qudhiisa uu doonayo inuu baxo. Getty ImagesWararka la isla dhex marayoMarkii Newcastle ay u soo baxday Champions League bishii May, farxadda taageerayaasha, oo ay ku jiraan dadka Eritereeyanka ah, waxay ahayd mid daacad ah oo dareen leh.Si kastaba ha ahaatee, riyadii u tartamida koobka ugu qiimaha badan Yurub ayaa hadda hakad la galiyay, inkastoo Newcastle ay Isak ku qiimeysay 150 milyan ginni oo u dhiganta qiyaastii 201 milyan oo doolar, si ay isaga difaacdo kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool.Inkastoo Liverpool ay isha ku haysay ciyaartoy kale sida weeraryahankii ay kala soo wareegtay Eintracht Frankfurt ee Hugo Ekitike, weli kama aysan quusan Isak.Newcastle ayaa horay u diiday dalab 110 milyan oo gini ah oo u dhiganta 147.5 milyan oo gini, halka Liverpool ay kordhinayso awooddeeda dhaqaale iyagoo iibinaya Darwin Núñez.Waxaa la rumeysan yahay in xiisahooda uu ka dhashay goolkii guusha ee Isak ee finalkii Carabao Cup xilli ciyaareedkii hore, kaasoo kooxdan oo loo yaqaanno Magpies siiyay koobkoodii ugu horreeyay muddo 70 sano ah.Isla maalintaas wuxuu seegay safarkii xilli-ciyaareedkii hore ee Aasiya, dhammaadkii Luulyo, Isak wuxuu xaqiijiyay inuu ka fikirayo inuu ka tago Newcastle.Dadka Eritereeyanka ee ku nool agagaarka Tyneside waxay jeclaan lahaayeen inuu joogo. Getty Images”Danjiraha” Eritereeya ee CayaarahaIsak waxa uu ku dhashay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, balse waxa uu dhowr jeer si sharaf leh uga sheekeeyay asalkiisa Eritereeya.”Inkasta oo aan ku soo barbaaray Sweden, waxaan ku noolaa bulsho weyn oo Eriteriyaan ah, waxaa igu hareeraysan oo aan ku koray dhaqankaas,” ayuu yiri mar uu wareysi la yeeshay halyeeyga kubada cagta Alan Shearer.Isak oo ah ciyaartoygii ugu horreeyay ee asal ahaan ka soo jeeda Eritereeya ee ka soo dhalaalay kubbadda cagta caalamiga ah, Isak waxa loo tixgaliyaa inuu safiir u yahay waddanka yar ee Geeska Afrika, ma aha oo kaliya Eritereeyaanka ku nool gudaha, laakiin sidoo kale kuwa dibadda jooga.”Sharaf weyn bay ii tahay inaan aragno qof sida Alexander oo kale ah oo halkan imaanaya,” Mehari Estifanos, ciyaaryahankii hore ee xulka da’yarta Eritereeya, oo hadda ku nool Newcastle, ayaa u sheegay BBC.”Markii hore, dad badan oo halkan ku nool kama warqabin Eritereeya. Laakin tan iyo markii Isak uu ku biiray Newcastle, qaar badan ayaa hadda garanaya halka ay joogaan oo ay yaqaanna dhaqankeena”.Sida laga soo xigtay Estifanos, guusha Isak ayaa ku dhiirigelisay dhalinyaro badan oo qurbajoog ah inay go’aansadaan in kubada cagta ay dheelaan.Qoraalka sawirka, Mehari EstifanosQaarkood waxay horey ugu biireen akadeemiyooyin kala duwan ee UK iyo Yurub.Horumarkan ayaa ah mid muhiim ah, gaar ahaan marka la eego in xaaladda kubbadda cagta ee Eritereeya ay hoos u dhacday ilaa heer ay FIFA ka saartay qiimayntii ay samaysay sannadkii hore.Sanadihii la soo dhaafay, waxaa aad loo hadal hayay kiisaska ciyaartoyda Eritereeya baxsanaya ayadoo loo soo diray cayaaro caalami ah inay ka qayb galaan.Eriteriyaanka ku nool Tyneside waxay dareemayaan inay waajib ku tahay inay taageeraan Isak, waxaana inta badan la arkaa iyagoo sita calanka Eritereeya ee casaanka, cagaarka iyo buluugga ah mar kasta oo Newcastle ay garoonka soo gasho.”Alexander waa danjire u jooga Eritereeya, si la mid ah cayaartoyda baaskiilka ku caanka ah ee Biniam Girmay iyo Daniel Teklehaimanot,” ayuu yiri Akale.”Waan ku faanaynaa inaan haysano isaga, xitaa kabaha uu xiran yahay, waxaa ku yaalla calanka Sweden oo uu la socdo kan Ereteriya”.
Dhallinyarada,Ciyaaraha
Muxuu yahay xiriirka ka dhaxeeya qurba-joogta Eritereeya iyo cayaaryahanka Alexander Isak
Published on: