More

    Maxay tahay sababta dumarkan Soomaalida ah looga mamnuucay inay galaan garoomada cayaaraha

    Published on:



    , 2024-05-30 13:19:14 ,

    MYMQoraalka sawirka, Mamnuucidda dumarka ee Cayaaraha30 Maajo 2024Magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida waxaa ka socda ciyaaraha gobollada oo xiisahooda iyo xamaasaddooda wata, waxaana isku arkaya dhammaan gobollada kala duwan ee dowlad deegaanka.Waa kulamo loogu tala galay is dhex gal bulsho iyo horumarin isboortis, waxaana abaabulka iska leh wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo xiriirrada kale ee isboortiska deegaanka.Taageerayaal badan oo kala wata gobollada ayaa soo buux dhaafiya garoonka kuwaas oo si toos ah u daawanaya ciyaaraha iyaga oo wejiyadooda laga dheehan karo shucuurta iyo xiisaha ay ciyaarta u hayaan.Inta ay cayaartu socoto taageerayaasha ayaa wada sacab, qaylo iyo buuq fara badan, qaarkood ayaa qaadaya heeso kuwo ayaa tirinaya erayo, halka dumarkuna ay buraanburayeen iyaga oo durbaanno wata.Taasi waxa ay keentay in dumarku mararka qaar ay ku dhawaaqaan erayo uu maamulku u arkay kicin dadweyne iyo kuwo qabiileysan, waxaana arrintaa awgeed uu go’aan kasoo baxay wasaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha.Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa gebi ahaanba hablaha ka mamnuucday in ay goob joog ka ahaadaan oo ay soo galaan ciyaaraha ka dhacaya garoomada magaalada Jigjiga.Wasaaradda ayaa arrintan sabab uga dhigtay in hablaha taageerayaasha ah ee cayaarta daawanaya ay ku kacaan arimo liddi ku ah xeerarka ciyaaraha.Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyrada ee dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Mahdi adan, oo BBC-da la hadlay ayaa yiri,” Tartankii ciyaaraha fudud ayaa dhawaanahanba ka socday dowlad deegaanka, dabcan taageerayaal badan ayaa u soo daawasho taga, dumarku maadaama inta badan marka ay taageero muujinayaan ay mararka qaar adeegsadaan nidaam qabiil waan ka joojinnay daawashada”.Wasiirka ayaa sheegay in ay kaliya u qorsheeyeen in ay dumarku guryaha uga daawadaan si toos ah, isla markaana aysan soo xaadiri karin, isaga oo taas u cuskaday in nidaamka iyo xeerarka caalamiga aysan marnaba oggoleyn in garoomada lagu arko waxyaabo bulshada kala fogeynaya. SocialQoraalka sawirka, Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarahaWasiirka oo qeexaya waxyaabaha caddeymaha ee ay arkeen isla markaana keenay in go’aankan ay soo saaraan ayaa yiri, “Waxaa la hayaa caddaymo fara badan iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada iyaga oo laga duubay xilli ay ku sugnaayeen garoomada, waxa ay muujinayeen in ay ku dhawaaqayeen erayo nacayb iyo kala fogeyn abuuri kara”.Wasiirku sidoo kale waxa uu sheegay in isticmaalka erayada kicinta dadweynaha ay kaliya ku kooban tahay dumarka kadib markii si tijaabo ah shalay ciyaaraha ay u daawadeen rag kaliya isla markaana sida uu sheegay uu jawigu ahaa mid deggen oo uu qal-qal ku jirin.Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale sheegtay in mamnuuciddan ay tahay mid ku meel gaar ah ilaa inta laga helayo xal kale oo dumarku ciyaaraha ku daawan karaan cabsi la’aan.“Hadda arrintan aynu hablaha kaga mamnuucnay imaatinka garoomada waa mid ku meel gaar ah ilaa xal kale laga helayo, haddii loo arko in ay wax is bedel ah la yimaadaan dabcan waa loo fasixi karaa oo bulshada ayey kamid yihiin anagana awaamiir kale ayaan hadda kasoo saari doonna”, ayuu yiri wasiir Maxamed Mahdi Adan. MYMQoraalka sawirka, Ciyaartoyda Soomaaliya laga keenayQaar kamida kooxaha caalamiga ah ee ka dhisan dunida ayaa mararka qaar la ganaaxaa taagerayaashooda marka ay ku kacaan falal lid ku ah xasiloonida daawashada ciyaaraha iyadoo wasiir Maxamed Mahdi uu tusaale u soo qaatay in ay tahay wax caadi ka’ah dunida in taageerayaasha laga soo saaro awaamiir adag.Dhinaca kale wasiirka oo wax laga weydiiyay hadallo maalmahan ay bulshadu isla dhex mareysay oo ahaa in dhallinyaro laga soo qaaday Soomaaliya ay ka ciyaarayaan dowlad deegaanka Soomaalida ayaa arrinkaasi ku tilmaamay mid jira.“Waa run sanadkan oo kaliya ma ahan ee sanadihii kalena waa ay dhici jirtay, ciyaaruhu maadaama ay u baahan yihiin xadaarad iyo xirfad, waxa aan suura gelinnay ama aan oggolaannay in kooxuhu ay ciyaartoy kala íman karaan meelo kale”.Wasiirka ayaa sheegay in taasi ay saamaxday in xiiso gooniya ay tartanka u yeeshay iyo in kooxuhu ay yeelan karaan awood abaabul.


    Itoobiya,Dowlad Deegaanka,Ciyaaraha

    Related