More

    Cabdi Jaamac: Cayaaryahanka baahiyaha gaarka ah qaba ee doonaya inuu dahab kala soo laabto Paris

    Published on:



    , 2024-08-29 10:15:13 ,

    Lucas Uebel29 Agoosto 2024Cabdi Jaamac oo shan jeer hore ugu guuleystay cayaaraha olimbikada ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ayaa haatan doonata inuu billadda dahabka kasoo qaado Paris 2024.Ninkan 41 jirka ah ayaa ku dhashay Soomaaliya balse wuxuu u wareegay Liverpool isaga iyo lix walaalihiisa ah, halkaas ayuuna ka ogaaday xiisaha uu u hayo tartanka kubadda gacanta ee dadka ku fadhiya kuraasta naafada.Waa hiwaayad Cabdi Jaamac ka dhigtay mid ka mid ah cayaar-yahannada ugu waaweyn adduunka isagoo saddex jeer ku guuleystay billadda maarta, shan jeerna wuxuu qaaday koobka Yurub halka sanadkii 2018 uu qaaday kan adduunka.Iyadoo Britain ay ku hartay rubuc-dhammaadka dhammaanba afartii cayaaraha olimbikada ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, isagoo maar ka helay Beijing, Rio iyo Tokyo, ayaa wuxuu haatan Cabdi rajeynayaa inuu soo qaado dahabka.”Waa wax cajiib ah inaan markii shanaad ka qeyb galo cayaaraha dadka qaba baahiyaha gaarka ah,” ayuu yiri.”Waxaan keliya u baahannahay inaan ka gudubno rubuc-dhammaadka. Haddii aan ka gudubno markaas dahabka innagaa leh, kalsooni baan ku qabaa. Abdi Jama”Waxaan qaadnay kuwa Yurub, waxaan ku guuleysannay kuwa adduunka, waxaa keliya naga maqan hal billad dahab.”Aad baan ugu dhowaannay marar badan isla sidaa ayaana dunida ka dhici jirtay, iyadoo wax yar ay ina seegeen balse qaabka aan haatan ku soconno iyo kooxda aan heysanno, diyaar baan u nahay loollankaas.”Waxaan heysannaa koox cajiib ah, inaan la joogo orod-yahannadaas iyo cayaar-yahannada adduunka caanka ka ah, waxaan diyaar u ahay inaan tartamo.”Isagoo kusoo dhex koray qoys ballaaran oo ku nool Liverpool, ayaa Cabdi Jaamac wuxuu ogyahay in is caawinta kooxaha ay tahay wax muhiim u ah xirfaddiisa.Cabdi qudhiisa wuxuu dhalay gabar yar oo weli aan arag isagoo ka tartamaya olimbikada dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyadoo Rio ay aad u fogeyd halka Tokyo aan loo oggolaan dadka.Wuxuu aad u jeclaan lahaa in gabadhiisa ay aragto isagoo qaadaya biladda dahabka, taasna uu u sameynayo wax walba oo uu awoodo.Ka bood Twitter bogganOggolow Twitter macluumaadkaMacluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.Aqbal horayna u socoDigniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanDhammaadka Twitter boggan”Waxaan dhalay gabar yar, waa 11 jir inaan tusaale u noqdo iyada iyo dadka kalena waa wax aan la heli karin,” ayuu yiri.”Xoogaa way ku adkaan doontaa inay iskuulka kasoo tagto balse waxaan rajeynayaa haddii aan fiinaalka u gudubno way imana doontaa maaddaama ay tahay Sabti iyo Axad. Sidaa darteed, wax cadaadis ah nama saarna inaan dhammaadka u gudubno!”Gabdhaha walaalahay iyo qaar saaxiibbadey ah ayaa sidoo kale imaanaya, markii ugu dambeysay ee ay ii yimaadaan waxay ahayd gudaha London marka waa sumcad in taageeradaas laga heysto dadka ilaa maalintii koowaad kula socday”Iyadoo tartankii shanaad uu sugayo, ayaa Cabdi Jaamac wuxuu rajeynayaa in dadka ka daawanaya Paris ay dhiirigelin u noqoto sheekadiisa, maaddaama uu kasoo gudbay caqabadaha dunida si uu uga dhabeeyo riyadiisa uuna u gaaro heerkan.”Markii aan kusoo biirayay ciyaaraha, waxaan isla ahaa qof ay soo korisay hooyo keligeed ah,” ayuu yiri. “Caqabad bey igu ahayd inaan heerkaas gaaro balse haddii aan anigu sameyn karo markaa qof walba waa sameyn karaa.”Haddii aad dadaal geliso iyo ka go’naansho markaas wax walba waa suurtogal.” Ayuu intaa sii raaciyay Cabdi Jaamac oo hiigsanaya inuu biladda dahabka kasoo hooyo cayaaraha olimbikada dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ka dhacaya magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.


    Ciyaaraha Olombikada Paris,Britain,Ciyaaraha,France,Olimbikada

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here