, 2024-08-04 15:53:14 ,
Getty Images4 Agoosto 2024Caasimadda Faransiiska waxay noqotay meel aad indhaha loogu hayo, laga soo bilaabo 26 Luulyo. Balaayiin dad ah ayaa cayaaraha kala socda goobta ama warbaahinta, ciyaartoy badan ee ka kala yimid adduunka oo dhan, oo ay ku jiraan kuwa Afrikaan ah ayaana ka qayb galaya.Qaaradda ayaa inta badan waxaa matalaya ciyaartooy qaab wanaagsan leh, diyaarna u ah inay door weyn ka ciyaaraan ciyaaraha Olombikada Paris 2024 iyo inay muujiyaan kala duwanaanshaha iyo qaninimada isboortiga Afrika.Waxay durba bilaabayaan inay ku guuleystaan billadaha, kaliya maalmo ka dib xafladda furitaanka tartamada. Tani waxay si gaar ah u khusaysaa Koonfur Afrika, Tunisia iyo Masar.Taariikhda Ciyaaraha Olombikada ayaa had iyo jeer lagu tilmaami jiray qaab ciyaareedka ciyaartooyda Afrikaanka ah oo soo bandhigay rikooro cajiib ah. Guulahaas waaweyn ee Afrikaanka ah ee ay ka soo hooyeen ciyaaraha Olombikada adduunka ayaa ahaa kuwo ay ku faanaan qaaradda iyo dalalka ay ciyaartoydani ka tirsan yihiin.Tan iyo markii ugu horreysay ee ay ka qaybgasho 1904-tii Ciyaaraha Olombikada ee Saint-Louis ee Mareykanka, Afrika waxay la shir tegeysay ciyaartoy tayadoodu sarrayso, taasoo dhiirigelinaysa jiilal cusub oo ciyaartooy ah oo sii waday inay gaadhaan heerar sare ilaa maanta.Iyadoo qaar ka mid ah ciyaartoydan ay rikoorkooda jabinayeen muddo ka dib, qaar kalena waa ay noqdeen kuwo aan laga adkaan, taasoo ka dhigtay ciyaaryahannadan halyeeyada qaaradda. Maqaalkan, waxaan ku eegi doonaa rikoorada guuldaro la’aanta ee ciyaartoyda Afrika.Afrika iyo Olombikada Getty ImagesQoraalka sawirka, Abebe Bikila waa cayaartoygii ugu horeeyey ee Afrikaan ah ee ku guulaysta billadda dahabka ee OlombikadaOlombikada ka qaybgaleeda ayaan sannado badan ka mid ahayn falsafada Afrika, iyadoo ciyaartooyda qaaradda ay guulo waaweyn ka soo hooyaan ciyaaraha Olombikada, magacyadoodana ay kaydiyaan.Waxay sidoo kale ka mid yihiin “rikoor jabiyeyaasha” ee dhiirigeliya jiilka dhalinyarada ee ciyaartoyda maanta soo baxaya. Ciyaartoyda ka soo jeeda waqooyiga iyo bariga qaaradda ayaa si weyn uga dhex muuqda ciyaarahan.CAyaartoygii ugu horreeyey ee ku guulaysta biladda dahabka ee qaaradda ayaa ka soo jeeda Itoobiya. Magaciisu waxa la oran jiray Abebe Bikila. Waxa uu ku guuleystay biladdiisa ciyaarihii Olombikada Rome 1960kii. Intii lagu guda jiray marathon-kaas, waxa uu dhigay rikoor cusub oo adduunka ah isaga oo orday 2 saacadood, 15 daqiiqo iyo 16 ilbiriqsi.Waxa uu ahaa mid aan la garanayn oo isku muujiyay dunida oo dhan. Wuxuu ku orday kabo-la’aan intii lagu jiray marathon-ka.”Sida caadiga ah horyaalada ayaa sare u qaada darajooyinka, marka ay sare u kacaanna waa la garanayaa, laakiin Bikila gabi ahaanba lama garaneyn,” ayuu yiri Tim Juda, oo ah qoraa Ingiriis ah.Abebe Bikila waxa uu dhiiri galiyay ciyaartoy badan oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Haile Gebrselassie oo ay isku dalka yihiin iyo Eliud Kipchoge oo Kenyan ah.Wixii markaas ka dambeeyay, Afrika waxa ay soo saartay cayaartoty la yaab leh, iyada oo ku guulaysatay boqollaal billadood.1. Wayde Van Niekerk Getty ImagesCiyaaryahankan u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa hadda heysta rikoorka 400 ee mitir ee ciyaaraha fudud.Waxa uu magac ka sameeyay Ciyaaraha Olombikada xagaaga 2016 ee Rio de Janeiro, Brazil. August 14, 2016, Wayde van Niekerk waxa uu ku guulaystay tartanka orodka ee qofka ugu dheereeya ragga, isagoo ku orday 400m 43.03 ilbiriqsi.Guushaasi waxa uu magacii tartanka kaga xayuubiyey Michael Johnson oo Maraykan ah oo dhigay rikoorka sannadkii 1999. Wayde va Niekerk waxa uu sidaa darteed ku guulaystay biladda dahabka ee dalkiisa oo leh rikoorka adduunka.2. John Akii BuaWaa cayaartoy reer Ugandha ah oo adduunka ka yaabiyay ciyaarihii Olombikada Munich 1972 ee Jarmalka. Waxa uu u ordayay sida gantaalka finalka 400m, isagoo ku guulaystay bilada dahabka. Waxay ahayd fudayd uu ku guulaystay iyo xasiloonida tartanka oo dad badan ka yaabisay.Rikoorkiisa adduunka ee tartanka wuxuu ahaa 47.42 ilbiriqsi. Kaamirooyinka dunidu waxa ay ku dhegenaayeen isaga oo u dabaaldegaya guusha, iyo isaga oo orodka kula ordayay kumanaanka daawadayaasha ah ee la dhacay bandhigiisa.3. Eliud Kipchoge Getty ImagesWaxa uu ku guulaystay orodkiisa marathon-ka oo ah arrin kale oo cayaartoy Kenyankan aan laga filaynin Ciyaaraha Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016 iyo Tokyo 2021. Tani waxay la macno tahay in Eliud Kipochogue uu laba jeer gaadhay labadan dhacdo.Inta lagu jiro ciyaarahan, wuxuu aad uga hormaray tartamayaashiisa, isagoo ku guuleystay horyaalkan aan la isku barbar dhigi karin ilaa maanta.4. Derartu Tulu Getty ImagesGabadhan Itoobiya u dhalatay waxay dundia ka yaabsatay ciyaarihii Olombikada Barcelona 1992kii. Waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Afrikada Saxaraha ka hooseeysa ka socota ee ku guulaysata biladda dahabka ee 10,000 mitir.Orodkeedii ugu dambeeyay ee dhacdadan ayaa ku haray xusuusta intii ay la joogtay, magacyo waaweyn oo uu ku jirto gabadha Koonfur Afrika Elana Meyer. Qofna ma fileyn inay guushan gaari doonto, laakiin waxay ku guulaysatay inay qof walba ka yaabsato.5. Hicham El GerroujCayaartoygan Moroccan-ka ah ayaa wali haysta rikoorka 1,600m, kaas oo uu ku orday 3:43.13 1999kii ee cayaarihii Golden Gala ee Rome. Hicham El Gerrouj oo loo tixgaliyo mid ka mid ah orodyahannada ugu waaweyn ee masaafada dheer ayaa ku guuleystay afar koob oo caalami ah iyo labo billadood oo dahab ah oo Olombikada ah.Kulankii Herculis ee Monaco bishii Luulyo 1998, wuxuu dhigay rikoorka 1,500 m 3 min 26 s.6. David RudishaWaa cayaartoy Kenyaan. Ciyaarihii Olombikada ee London 2012, waxa uu dhigay rikoor aan wali la jabin. Isagoo ku takhasusay 800m, wuxuu ku orday ciyaarahaas 1:40.91.David Rudisha ayaa sidoo kale heysta rikoorka guulaha xiriirka ah ee masaafadaan, isagoo 34 guul wadar ahaan gaaray intii u dhaxeysay 2009 iyo 2012.7. Haile Gebreselassie Getty ImagesMaanta Haile waa ganacsade, waana taallo (astaan) uu magaciisa ku xardhay yahay kaydka ciyaaraha Olombikada, sida ay qabaan taageerayaasha ciyaarahan. Waxa uu si gaar ah u kala soocay orodkii Marathon-ka Berlin.Haile Gebrselassie ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah kuwa ugu dheereeya adduunka, isagoo heysta rikooro dhowr ah oo adduunka ah oo uu ku jiro masaafo kala duwan. Wuxuu ordaa orod dheer, waana mid uu afar jeer ku guulaystay.8. Paul KehindeWaa Nayjeeriyaan, waana miisaan-qaade. Wuxuu rikoor ka gaaray ciyaarihii Rio de Janeiro ee Brazil 2016. Xilligaas wuxuu kor u qaaday 220 kg oo miisaan ah, inkastoo uu naafo yahay.221 kg oo ah 65kg 2018 tartankii adduunka ee ka dhacay Dubai waxa uu ku mutaystay in magaciisa uu galo Guinness Book of Records.9. Françoise Mbango EtoneLaacibadda reer Cameroon ayaa jabisay rikoorka ayadoo ku guuleystey bootinta seddexleyda ah ee 15.39 m ciyaarihii Olombikada Athens 2004tii. Waxay keentay dareen la yaab leh adduunka, maadaama ay yihiin Ruushka kuwa inta badan ku fiican tartankan.Afar sano ka dib, Françoise Mbango Etone waxa ay ku celisay wacdarihii Ciyaaraha Olombikada ee Beijing 2008. Waxay sidaas ku labanlaabtay magaceedii.10 Chioma AjunwaWaa boqoraddii booddada dheer, wuxuuna magaceedu aad u soo baxay ciyaarihii Olombikada Atlanta 1996kii. Gabadhan oo u dhalatay Nayjeeriya ayaa sharaf u soo jiiday Afrika iyadoo magaceeda kor u qaadday oo gaarsiisay halka ugu sarreysa markii ugu horeysay taariikhda Ciyaaraha Olombikada.
Ciyaaraha Olombikada Paris,Afrika,Ciyaaraha
10ka rikoor ee ugu sarreeya Olombikada ee ay haystaan cayaartoyda Afrikaanka
Published on: