More

    Haweenka maamulka Waqooyi-Bari iyo saluuga ay ka qabaan saamiga uga soo aaday barlamaanka

    Published on:



    , 2025-08-18 17:49:12 ,

    Baraha Bulshada3 Saacadood ka horMagaalada Laascood waxaa shalay lagu dhaariyey xubnaha cusub ee barlamaanka maamulka Waqooyi Bari, kaas oo muddo ay xulistoodu ku howlanaayeen beelaha degga deegaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.Barlamaanka cusub ee maamuulka ayaa ka kooban siddeetan iyo saddex xildhibaan kuwaas oo raggu ay ka yihiin 79 xildhibaan halka dumarkuna ay ku leeyihiin 4 xildhibaan taas oo ka dhigay in 95% ay rag yihiin barlmaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.Marka loo eego tirada baarlamaanka iyo doorka haweenka ayey muuqataa in haweenku aysan door fiican oo matalaada ku lahayn golaha xeer-dejinta ee maamulka, iyadoo haweenku ay yihiin tirida ugu badan ee bulshada deegaanadaasi.Tiro ka badan dhowr iyo labaatan haweena ayaa si weyn ugu ololeeyey siday uga mid noqon lahaayeen golaha Baarlamaanka basle in badan uma suuragelin. SOCIAlCaasho Axmed Cabdalla oo horey xildhibaan ugu soo noqotay Soomaaliy ayaa ka mid ahayd haween loo xil saaray inay hubiyaan in haweenka deeggaanadaasi helaan boqolkiiba soddon basle waxay sheegtay inay dhicin oo nasiib darro tahayIyadoo la hadashay BBC-da ayey Caasho xustay in ay tani ahayd waxay aad uga xumaadeen haweenka oo door fiican ka qaatay dhismaha maamulka Waqooyi-Bari ee Soomaaliya in aysan helin qoondo ku filan.”Waxaan filaynay in qayb libaax nala ka siiyo, halgankayagii ahaa in habluhu soo galaan barlamaanka…waxaan doonaynay in xitaa inta caalamku noo ogolyahay nala ka siiyo. Boqolkiiba soddon in la qiimeeyo waana is aragnay guddiga Farsamada, guddiga xulusta, laakiin ballantii nalaga qaaday lama oofin” ayey tiri Caasho Cabdalle.Waxay intaas ku dartay in caqabadaha haysta haweenka ay ka mid yihiin inaysan haweenku tixgalin ka helin Odoyaasha dhaqanka. Mar ay ka jawaabysay inay ka haween ahaan arrintaas kala hadleen odoyaasha dhaqanka ee soo xulay xubnaha baarlamaanka ayey tiri: “Waa loo sheegay qoraal ahaan waa loogu sheegay markii shirku furmayey waa loo sheegayey in hablaha kaalintooda la buuxiyo.”Iska daa inay gabdhuhu labadii qof mid haween laga dhigee waxay waayeen inay xitaa gabdhuhu tartarnka ka qayb gali karaan.Laakiin Fahiimo Yuusuf Quuje oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee barlamaanka maamulka Waqooyi- Bari kana mid ah afarta gabdhood ee ka mid noqday golahaas ayaa BBC-da u sheegay inaysan iyadu caqabad weyn kala kulmin helista kursigeeda oo caaqilada iyo garaadka beesheedu siiyeen kursiga basle ay qabto in kuraastu ku yar tahay haweenka.”Kan dembe ayaan rajaynayana in tiradu intaa ka badato, habluhuna waxay ku ciil bixi karaan marka la gaaro doorasho qof iyo cod ah” ayey tiri Fahiimo. AaminoTiro badan oo haween ah ayaa isku soo taagay xubinimada barlamaanka hase yeeshee intooda badan ma helin. Gabdhaha dadaalka galiyey inay ka mid noqdaan baarlamaanka waxaa ka mid ah Aamino Yuusuf Guhaad oo xubina ka ahayd guddigii dastuurka ee maamulka Waqooyi- Bari.Aamino waxay sheeegtay in sababta ugu weyn ee ay qabto inay ku wayday xildhibaanimadii ay u ordaysay ay ahayd habraacii qeexayey qoondada haweenka oo aan la marin.Caqabadaha qabsaday iyada ayey ku tilmaamtay inay ahaayeen inaan la fulin habraaca iyo Odoyaasha dhaqanka oo an mudnaan siin haweenka.”Sida ku qoran habraaca reerkii leh saddex xildhibaan waa in mid ka mid ah noqdaa haween. Aniga beesha an ka dhashay waxay lahaayeen lix kursi, waxaa laga rabay inay labo ka mid ah haween noqdaan, markaa waxaan filayey ugu yaraan inay hal gabar ka soo baxdo sidaas darteed ayaan isugu soo sharaxay laakiin lixdiiba rag ayey noqdeen” ayey intaas raacisay Aamino Guhaad.Maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya oo dhismihiisa muddooyinkii demba ka socday magaalada Laascaanood ayaa ka mid noqonaya maamulada Soomaaliya ee an kuraasta badan dumarku ku yeellan.Gudoomiyaha guddiga doorashada ee maamulkaan ee heer federaal Axmed Nuur Uleex ayaa BBC da u sheegay in ay ka xun yihiin in dumarku waayeen kaalintii ay mudnaayeen, dhankooda ay dadaalan. Sababkeentay in aysan helin boqolkiiba soddon ayuu ku macneeyay in ay tahay mid la xiriirta aqbalaadda bulshada, oo ay dadku aysan rabin in haweenku ku matalaan baarlamaanka. Waxa uu sheegay in ay tahay mid ka jirta Soomaaliya oo dhan. Balse waxa uu ku adkaystay in guddigu ay mareen habraacii loogu talagalay in haweenku helaan metalaad.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here