, 2025-08-14 21:45:01 ,
Cabdiqaadir Ciise CabdiQoraalka sawirka, Kooxda HorseedArticle InformationMagaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ruxay shaqaaqo u dhexeysay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubaysan oo kasoo horjeeda kuwaas oo ku dagaalamay xaafadda Tarbuunka gaar ahaan aagga garoonkii kooxda Horseed ee xulkii qaranka ee Soomaaliya oo haatan ay dad deegaameysteen burbrkii kadib. Iska hor imaadkii ka dhacay halkaas waxuu sababay dhimasho iyo dhaawac aan si rasmi ah loo shaacin tiradooda.Waxaana dhacdadaan si adag u canbeereeyay madax hore oo dalka soo martay, waxaana kamid ah madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Khayre.Waxaa sidoo kale dhanka maamul goboleedyadana war kasoo saaray dowlad goboleedka Jubaland oo iyagana dhaleeceeyay waxii ka dhacay xerada Horseed. Dadka deegaanku waxay sheegeen in loo sheegay in ay isaga guureen dhulka maadaamada ay dowladdu leedahay sidaasna uu dagaal gacan ka hadal ah goobta uga qarxay, balse dowladdu waxay ku adkeysaneysaa in in dhacdadii ka dhacday xaafadda Tarbuunka ee magaalada Muqdisho ay ahayd mid ah xaqiijiin amni iyo ka hortagista hubka sharci darrada ah. Warsaxaafadeedkaas ay soo saareen laamaha amniga ayaa lagu sheegay in ay jiraan waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaadhay dad shacab ah oo agagaarka ku sugnaa, xubno ka tirsan ciidamada amniga iyo qaarkamid ah waxay warbixinta booliisku ku sheegtay ‘maleeshiyo hubaysnayd’.Ma jiraan ilo rasmi ah oo madax bannaan si rasmi ah u xaqiijin kara khasaaraha ka dhacay halkaas mid dhimasho, dhaawac iyo khasaaraha maaliyadeed ee shaqaaqadaasi dhalisay. Haddaba maxaan ka naqaan Garoonka Horseed? Cabdiqaadir Ciise CabdiQoraalka sawirka, Cabdiqaadir Ciise CabdiXeradaan waxaa la furay todobaatameeyadii iyadoo ahayd goob loo isticmaalo arrimo kala duwan, sida tartamada ciyaaraha isboortiga: Kubadda cagta, tan gacanta, koleyga, orododada iyo feedhka. Sidoo kalena ay si wadajir ah ugu ciyaaraan hablaha iyo wiilashaba. Waxuuna lahaa goobo kala duwan sida makhaayado iyo meelo la seexdo.”Labaatan sanno ayaan dhex jiifay garoonkaas Horseed” ayuu yidhi Cabdiqaadir Ciise Cabdi (Biyooleey) oo ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda horseed iyo xulka qaranka Soomaaliya oo la hadlayay BBC da.”Waxaa laygasoo qaatay gobolka Hiiraan, waxayna ahayd meeshii koobaad ee laygu xareeyay” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdiqaadir Ciise Cabdi oo haddeer ku nool Ingiriiska isaga oo dib u milicsanaya waayahii quruxda badnaa ee uu halkaas kusoo qaatay. Cabdiqaadir Ciise CabdiQoraalka sawirka, Sawirka hadda Cabdiqaadir Ciise CabdiCabdiqaadir Ciise (Biyooleey) waxuu ahaa goolhaye ku xigeenkii Xulka Qaranka iyo kooxda Horseed, waxuuna ku xigeen u ahaa goolhayahii caanka ahaa ee Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed Jeylaani Khaliif oo si weyn loo yaqaanno marka dib loo eego taariikhda ciyaaraha Soomaaliya.Waxuu sheegay in xerada Horseed ay ku leedahay saamayn mugleh iyo taariikh uusan ilaawi karin noloshiisa oo dhan.”Anniga waa meeshii laygu bartay aan kusoo hanaqaaday kooxda aan ugu ciyaaray, xulka qaranka aanku galay”.Xaruntani waxay ahayd meel si weyn uga shaac-baxsan guud ahaanba dalka oo dhan; si gaar ahna aad ay u yaqaanaan dadka ciyaaraha xiiseyn jirey. Xiligii dowladdii kacaanku jirtay ciyaaro kala duwana ayaa lagu qaban jiray. Waxayna ahayd xaruntii kooxda Horseed oo ka koobaneed ciidan iyo shacab intaba. “Waxuu lahaa qolol la seexdo, sidoo kale xero ciidana wuu ahaa, qiyaastii 3000-4000 oo qof meesha waan ku xaraysnaan jirnay.” ayuu BBC-da u sheegay. Goolhayahii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda horseed wuxuu kamid yahay malaayiinta Soomaalida ah ee dowladii markay burburtay dalka ka baxay ee dunida kale nolol u doontay.