, 2025-07-18 20:39:43 ,
Getty ImagesSaacad ka horShirkada Turkiga ee samaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ayaa la aas aasay sannadkii 1986, waxaana isla sannadkaasi ay ku bilowday soo saarista qayb kamid ah mashiinada gaadiidka, waxaana sannadkii 2000 ay bilowday nidaamka gaadiidka iswada. Sanadkii 2004 ayaa shirkadu tijaabisay duulimaad diyaarad iswada oo ku shaqeynaysa nidaamyada Software-ka Elektarooniga maxalliga. Sanandkii 2006 ayay samaysay horumarinta iyo soo saarista Bayraktar yar oo is wada karta kaligeed.Sanadkii 2009 ayay samaysay shirkadu duulimaadkii ugu Horeeya ee si buuxda u madaxbanaan ee ku shaqaynaya nidaamka is wada. 2014 ayaa Bayraktar TB2 u sameysay tijaabada duulimaadka iswada ee ugu horeeyay.Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ay soo saartay ayaa waxaa ugu caansan diyaaradda ku caan baxday dagaalka ee Bayraktar TB2 oo ay adeegsadaan ciidamada difaaca Turkiga. Dakhliga shirkadda ayaa 90% ka yimaada iib geynta dibadda, sida laga soo xigtay mareegtooda. Sannadkii 2023 iib geynta dibadda ayaa gaartay ilaa 35 dal, waxaana dakhliga ka soo xarooday lagu qiyaasay $1.8 bilyan oo doolar.Baykar ayaa ku jirta tobanka shirkadood ee ugu iib geynta badan dibadda dhammaan shirkadaha dalkaasi, sida laga soo xigtay xarunta ammaanka ee New American Security. Turkigu waxa uu soo saaraa 65% gaadiidka aan duuliyaha lahayn, iyada oo Baykar ay matalayso 60% qaybteeda Turkiga. Shirkadu waxa ay u dhoofisaa in ka badan 90% wax soo saarkeeda ilaa 35 dal.Diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee Turkiga sidee u caawiyeen Soomaaliya? SONNASida ay daabacday wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, diyaarada Akinci ee ah nooca aan duuliyaha lahayn ee ka midka ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada ee ay soo saarto shirkadda Baykar ayaa kamid ah hub ay heshay Soomaaliya.Akinci ayaa loogu talagalay inay fuliso hawlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro iyo ilaalin.Ma aha diyaaraddii ugu horaysay ee aan duuliye lahayn ee ay Soomaaliya hesho. Horay ciidanka Soomaaliya u haysteen diyaarada aan duuliyaha lahayn ee caanka ee Turkiga Bayraktar TB2, sida ay baahisay SONNA.Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faalooda arrimaha Amniga ayaa BBC u sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay labo faa’iido u sameyso dalalka yaryarka ah ee dagaaladu ka socdaan sida Soomaaliya oo kale .”Waxa ay aad uga shaqeyn karaan wardoonka iyo ogaanshaha halka uu cadowgu joogo, ilaalinta dhibaatooyinka dabiiciga ah waa looga qayb qaataa, laakiin waxa uu faa’iido weyn siiyaa meelaha ay dagaaladu ka jiraan oo ay u keenaan warbixin ay soo aruuriyaan, halka uu cadowgu ku sugan yahay, Soomaaliya oo kale runtii wax weyn ayay ka qaban lahayd, haddii ay kula dagaalanto al Shabaab”Balse falanqeeyaha arimaha amniga ayaa sheegay in ay u muuqato in Soomaaliya aysan wali sidii la filayay uga faa’iideysan hubkaas. ”Weli waxaad moodaa dowlada Soomaaliya in aysan u diyaarsanayn ka faa’iideysiga qalabka hawada ee ay siiyaan Turkiga ama ha noqoto diyaaradihii maalmo hore la siiyay ha noqoto ama kuwa aan duuliyaha lahayn ee yimid ha noqoto. Waxaad moodaa in aysan fursadaas ka faa’iideysan, haddii dowladu la timaado istaraatiijiyad isticmaalka iy caawinaada diyaaradaha Turkigu ay leeyihiin waxaa laga adkaan lahaa al Shabaab oo mar hore la soo gabagabayn lahaa, faa’iidona waxa ay u ahaan lahayd dagaalka reer Hiiraan kula jiraan al Shabaab” ayuu yiri Kaboole.
Maxaad ka taqaanaa shirkada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ee uu booqday Madaxweyne Xasan Sheekh?
Published on: