, 2025-05-28 19:56:24 ,
SOCIAL2 Saacadood ka horJanaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ayaa goor- dhaweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay inuu ku xanuunsanaa muddooyinkii dambe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.Wuxuu janaraalku taariikh dheer ku lahaa Ciidanka Xoogga Soomaaliya. Wuxuu la taliye amni haddeer u ahaa Puntland oo uu qayb weyn ka ahaa dagaalka lagula jiro Daacish, sida uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.Janaraal Moorgan ayaa mar uu labo sano kahor wareysi siiyay warbaahinta wuxuu ku sheegay inuu dhashay sanadkii 1949, waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe ayuu kusoo qaatay iskuulkii Xaaji Mire ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.Wuxuu wareysiga ku sheegay in kadib aabbihiis uu u diray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhammeystay waxbarashada isagoo dhigtay dugsigii la oran jiray “Allaahida”.Janaraalka ayaa kadib ku biiray ciidamada milatariga. Sanadkii 1967 wuxuu ka mid noqday saraakiil ay Soomaaliya tababar ciidannimo ugu dirtay dalka Ruushka, wuxuuna dalka ku laabtay sanadkii 1970-kii.Shaqadii ugu horreysay ayuu ka bilaabay madaxtooyadii xilligaas, isagoo ka mid ahaa ciidamada ilaalada madaxweynaha, wuxuuna ciidankaas ka tirsanaa muddo toddoba sano ah.Sidoo kale wuxuu tababarro kusoo qaatay dalka Mareykanka. Kadib wuxuu xilal sare kasoo qabtay dowladdii xilligaas ee Maxamed Siyaad Barre, sida isagoo noqday wasiirka gaashaandhigga iyo kan howlaha guud.Janaraal Moorgan, wuxuu ahaa wasiirkii ugu dambeeyey ee gaashaandhigga, kahor inta aan dowladdii xilligaas xukunka laga tuurin sanadkii 1991. SOCIALMaxamed Xaaji Ingiriis oo ah aqoonyahan taariikhda uruuriya ayaa BBC-da u sheegay in Janaraal Moorgan uu xilal muhiim ah kasoo qabtay Soomaaliya.Wuxuu sheegay in janaraalka uu horaantii 1970-meeyadii uu guursaday gabar uu dhalay madaxweynihii xilligaas Maxamed Siyaad Barre, “halkaas ayayna dallacaaddiisa degdegga ah kasoo bilaabatay,” ayuu yiri.Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa intaa ku daray in janaraalku uu u badnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Cummaan iyo muddooyinkii ugu dambeeyay oo uu ku noolaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.”Waxaa janaraalka lagu xusuusan doonaa wixii ka dhacay gobollada Waqooyi.” Ayuu yiri.Moorgan ayaa soo ahaa taliyihii qeybta 26-aad ee halka markaas loo yaqaannay gobollada Waqooyi, haatanna ah Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland.Wuxuu ka mid ahaa janaraalku saraakiishii militeriga Soomaaliya ee ay dad badani ku eedeeyaan inay berigaas halkaas ka geysteen xad-gudubyo xagga xuquuqda aadanaha ah oo la sheegay inay ka dhaceen.Sidoo kale janaraalka ayaa qeyb ka ahaa hardan ka socday magaalada Kismaayo, iyadoo sanadkii 2004 uu Guddiga Fududeynta Shirka Soomaalida ee IGAD ee ka dhacayay Kenya, laguna heshiisiinayay Soomaalida ay cunaqabateyn kusoo rogeen isaga, sababo la xiriira ficillo ay sheegeen inuu ku lug lahaa.Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa magaalada Garowe, halkaas oo uu la taliye amni uga ahaa maamulka Puntland.
