More

    Ceel Afweyn: Colaad 10 sano ka badan u dhaxeysay beelo wada dega oo heshiis laga gaaray

    Published on:



    , 2025-05-04 17:36:01 ,

    Xafiiska Afhayeenka M JSLSaacad ka horWaxaa Magaalada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag lagaga dhawaaqay go’aamo laga soo saaray colaad muddo ka badan 10 sano halkaas ka taagnayd, oo u dhaxaysay labo beelood oo halkaas wada dega.Dedaallo nabadayn ah oo bilihii u dambeeyey ka socday Ceel Afweyn ayaa shalay gelinkii danbe laga soo saaray go’aamo iyo xukunno kala duwan oo lagu riday beelahaas, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dad ay iska dileen magtoodii.Shirkan nabadda Ceel-Afweyn waxaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland kala qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, maamulka gobolka Sanaag, culimaa’udiin, hoggaannada axsaabta siyaasadda Somaliland, xildhibaanno, salaadiin iyo wax garad kale, waxaana kasoo baxay go’aanno ay ka mid ahaayeen:1- Ugu horeyn dhulka waxa iska leh Ilaahay2- Dhulka waxaa masuul ka ah xukuumadda Somaliland3- Ka manaafacaadkiisa waxa uu ka dhaxeeyaa dhammaan bulshada deegaanka kuwada nol, sidaasi darteed waxaa loo wada manafaacdsanayaa daaqiisa, biyahiisa, waddooyinkiisa iyo wixii la mid ah sidii loo wada manaafaacdsan jiray wixii ka horreeyay colaadihii iyo dagaaldii labada beelood ka hor4- In deegaamadii ama magaalooyinkii lagu kala maqnaa colaadda daraaddeed sida ugu dhaqsiyaha badan loogu wada noqdo, qof walbaahina si dhaqso ah gurigiisa uu ugu laabto5- Wixii deegaameyn cusub ah ee looga baahdo deegaanka waxaa loo marayaa kaliya nidaamka dowliga ah, xukuumadda uun baana diidi karta ama ogolaan karta Madaxtooyada SomalilandQoraalka sawirka, Suldaan Maxamuud Guuleed MireGuddoomiyaha guddida nabadaynta Ceel Afweyn Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in waxa maadxweyne ku xigeenkii iyo wasiirrada keenay shirka in ay tahay “in arinta halka taal ay tahay boog keli ku taal oo maantay la isku dayayo in boogtaas xididdada loo saaro”.Suldaanku waxa uu sheegay in laba cilladood oo waaweyn loo tiriyay in nabadda halkaas ay hirgeli weyso oo midda koowaad oo ah in aan la isa siin magta iyo tan labaad oo ah inay ka maqneyd gacantii fulin lahayd go’aamada la gaara, labadiina maanta ay diyaar yihiin. Madaxtooyada SomalilandQoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Cabdalle Maxamed CarabWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland Cabdalle Maxamed Carab, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuumaddu ka shaqaynayso fulinta go’aamada ay soo saareen guddida nabadaynta Ceel Afweyn.”Anigoo ah wasiirka wrimaha wudaha iyo wmniga laga bilaabo saacaddaas aan joogno heshiiksu waa dhaqan gal,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in ciidamada amnigu ay amar ku haystaan in sidiisaas uu yahay loo fuliyo oo aan waxba laga beddeli karin.”Sidaas ayaan anigoo wasiirkii arimaha gudaha ah amar toos ah ku bixinayaa, reer Ceel Afweyn waxa aan leeyahay sidaas ku ogaada.”Wasiirku waxa uu sheegay in nabadeyntani aanay si fudud ku imaan. “Waxaa isugu yimid Somaliland cagligeedii, madaxweyne ku xigeenkii oo muddo lab bilood ah halkan jooga.” Ayuu intaas ku daray wasiirku isagoo dhanka kale sheegay in mas’uuliyadda nabadeynataas ay xukuumaddu qaadeeyso wuxuuna ka codsaday cuqaasha in ay la shaqeeyaan dowladda. Madaxtooyada SomalilandQoraalka sawirka, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw CabdiMadaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa si rasmi ah u soo afmeeray shirweyniha nabadaynta beelaha wada dega uga socday deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag kaasi oo khudbad uu shirka ka jeediyay ku sheegay:”Waxa aan doonnaynaa Ceel-Afweyn isku dan ah, isku dareen ah oo isku duruuf ah, balse aan kala dan iyo kala doodo ahayn. Waxa aan jecelahay Ceel-Afweyn aan dhexdeeda dagaal iyo dil ka dhicin,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka oo dhanka kale dardaaran u jeediyay reer Ceel-Afweyn, “dar-daraankaygu waa in aan la arkin mar dambe oo aanay dhicin Ceel-Afweyn oo ay curaddadeedu is dilayaan”. Madaxtooyada SomalilandQoraalka sawirka, Boqor Cismaan aw Maxamuud (BuurmadowBoqor Cismaan aw Maxamuud (Buurmadow), waxa uu u hadlayay oo uu ka mid ahaa mid ka mid ah labada beelood, waxa uu sheegay “in wixii shirka kasoo baxay ay qaateen”.Waxaa uu intaas ku daray in haddii gar la iskugu yimaado, bani’aadam ay garta naqayaan, waxna waa uu dhaafaa, waxna waa uu ku kordhiyaa, waxaase muhiimaddu tahay in wixii dhex-dhexaadin ah ee meeshan la keenay la qaato,” ayuu yiri Boqor Buur Madow oo xukuumadda ugu baaqay in la adkeeyo hirgelinta go’aamada la gaaray.Colaaddan sanadaha badan soo jiitameysay ee haatan lagu heshiiyay in la soo afjaro ayaa markii hore ka billaabatay muran salka ku haya dhul iyo ceelal biyood, waxaana ku dhintay dad badan iyadoo qaar kalena ay ka barakaceen deegaannadoodii. Waxaa sidoo kale xusid mudan in dhowr jeer shir laga yeeshay soo afjaridda colaaddan balse aysan waxba kasoo bixin markaas.

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here