Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu wehelinayo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyeyaasha gobollada Puntland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada guud ee Puntland, dardargelinta horumarka, iyo sidii loo adkayn lahaa iskaashiga ka dhexeeya maamulka dhexe iyo maamullada gobollada.
Intii uu kulanku socday, Madaxweyne Deni ayaa guddoomiyeyaasha ku wareejiyay gaadiid cusub si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee maalinlaha ah, isagoo xusay in gaadiidkani qayb ka yahay qorshaha lagu casriyeynayo maamullada gobollada si loo gaaro adeeg bulsho oo hufan.
Guddoomiyeyaasha ayaa dhinacooda uga mahadceliyay Madaxweynaha taageerada joogtada ah, waxayna ballanqaadeen inay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonaan amniga iyo horumarka deegaanadooda.
Source: Horseed Media, Puntland Post, Jowhar
